1674 Views

Shabaab oo sheegtay Itoobiya inay ka difaacayaan Dakadda Hobyo

Shabaab oo sheegtay Itoobiya inay ka difaacayaan Dakadda Hobyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho , July 04, 2018 Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in dakadda Magaalada Hobyo ay ka difaacayaan Itoobiya, kadib markii Gudoomiyaha Shabaab ugu magacaaban Gobolka Mudug uu ka hadlay arrimaha dakadda Hobyo.

Sheekh Abuu Cadnaan oo ah ninka Shabaab u qaabilsan Gobolka Mudug, ayaa wuxuu tilmaamay in dowladda Itoobiya ay damacsan tahay qorshe ay ku doonayso inay ku isticmaasho dakadda Magaalada Hobyo.

Sarkaalkan Shabaab ka tirsan, ayaa wuxuu sheegay Madaxweyne Farmaajo dakadaha uu siiyay Itoobiya inay ka mid tahay Dakadda Magaalada Hobyo, balse aysan suuragal noqon doonin in Itoobiya ay isticmaasho dakadaasi.

Wuxuu tilmaamay in Shabaab ay joojiyeen dhismaha wado isku xireysa dakadda Magaalada Hobyo iyo dhulka Soomaalida Galbeed ee Dowladda Itoobiya haysato.

Sheekh Abuu Cadnaan Gudoomiyaha Shabaab ugu magacaaban Gobolka Mudug, ayaa sheegay dhismaha wadada ay joojiyeen Shabaab inay marto duleedka Degmada Goldogob, ayna sii marto tuulada Galcase, illaa dhulka Soomaalida Galbeed ay ka gasho.

Madaxweynaha Farmaajo iyo dowladda Itoobiya ayaa isla gartay maalgashi in Itoobiya ay ku sameyso afar dakadood oo Soomaaliya ku yaallo.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment