1179 Views

Canada oo ku dhawaaqday in ay aqbaleyso Qaxooti cusub

Canada oo ku dhawaaqday in ay aqbaleyso Qaxooti cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 22, 2019 –Wasiirka socdaalka dalka Canada Axmed Xuseen ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu aqbalayo qaxooti cusub laakiin uusan wada aqbali arin dhamaan qaxootiga caalamka.

Axmed oo ka hadlayay Khamiistii xuska Maalinta Qaxootiga Adduunka ayaa sheegay in uu jecelyahay in Canada ay aqbasho Qaxooti badan.

Axmed oo laftiisa qaxootinimo ku tagay Canada ayaa sheegay in Canada aysan wada qaadan karin dhamaan 26ka Milyan ee 2018 noqday Qaxootiga.

Waxaa uu sheegay in inta badan Qaxootiga ay qaadaneyso Canada ay noqonayaan xirfadle yaal dhaqaalaha dalkaas kobcintiisa ka qeyb qaata.

Hay’adda UNHCR, ayaa sheegtay in Qaxootiga Caalamka ay hadda gaarayaan 26 Milyan oo qof,waxaana Waddamada Qaxootiga qaabilay 2018 kaalinta 1aad ka galay dalka Canada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment