585 Views

Guddiga doorashooyinka oo dowlad Goboleedyada uga digay inay farageliyaan doorashada Gollaha Shacabka

Guddiga doorashooyinka oo dowlad Goboleedyada uga digay inay farageliyaan doorashada Gollaha Shacabka
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 10, 2021

 Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in doorashada Golaha Shacabka ay ku soo dhamaystiri doonaan mudda bil ah gudeheed ah inta ka harsan sanadkaan 2021, isagoo xusay in la diyaariyay dhammaan goobihii doorashooyinka deegannada ay kuraasta ku harsanyahiin.

Maxamed Xasan Cirro oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay inay ku kalsoon yihiin shaqada ay hayaan guddigooda, isla markaana ay si cadaalad ah u dhamaystiri doonaan qorshaha hannaanka doorashada Soomaaliya, isagoo madaxda màamul goboleed uga digay inay faragalin ku sameeyaan kuraasta doorashada GolahaShacabka.

“Waxaa meesha ka saaray in haba yaraatee aan la musuq maasuqi karin doorashada isla markaana beelaha ay u madax banaanyahiin inay soo doortaan kuraastooda dadka ugu matalayo GolahaShacabka”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Dhawaan waxaa Muqdisho ka dhacday doorashada laba kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana la filayaa in dhawaan guud ahaan dalka ay ka dhacdo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post