957 Views

Dowlada Baxrayn oo Canbaraysay Qaraxii Daraad ka dhacay Muqdisho.

Dowlada Baxrayn oo  Canbaraysay  Qaraxii  Daraad ka dhacay Muqdisho.
____________________________________________________________________________

June 7 2021

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Baxrayn ayaa waxaa si kulul looga hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Macalin Nuur.

Dowladda Baxrayn oo ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la-leh Soomaaliya ayaa shaacisay inay aad uga xun tahay weerarkaasi oo ay ku tilmaamtay inuu yahay mid argagixiso, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Baxrayn ayaa tacsi u dirtay ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, iyada oo kuwa dhaawaca ah u rajeysay caafimaad.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkan oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya uu ka hor imaanayo qiyamka iyo mabaadi’da caalamiga ah.

about:blank “Wasaaradda arrimaha dibedda Baxreyn waxay tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo u rajeysay caafimaad deg deg ah kuwa ku dhaawacmay weerarkaan fuleynimada ah ee argagixiso ee ka hor imaanaya dhammaan qiyamka iyo mabaadi’da,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay Baxrayn.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay inay dowladda federaalka ah la garab taagan tahay taageero, isla-markaana ay kor u qaadi doonto caawimaada kala duwan ee ay siiso.

Si kastaba, weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shacab ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post