258 Views

Dowladda Federaalka oo sheegatay dilka 136 Al-shabaab ah oo ay ku jiraan Saraakiil.

Dowladda Federaalka oo sheegatay dilka 136 Al-shabaab ah oo ay ku jiraan Saraakiil.
____________________________________________________________________________

 Axad: January 29, 2023 

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay dilka 136 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan saddex hoggaamiye, halka 98 kalena lagu dhaawacay, kadib howlgal ay ciidamada NISA ay ka fuliyeen gobolka Shabaheella Hoose, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.

Cadiraxmaan Al-cadaala ayaa sheegay in ciidamada NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ay howlgalkan ka sameeyeen deegaanno u dhow degmada Jannaalee ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa uu sheegan in weerarkan lala beegsadan goob ‘ay maleeshiyada Al-shabaab ku diyaarinayeen ciidamo ay doonayeen inay ku weeraraan shacabka Soomaaliyeed.’

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa intaa ku daray in weerarkan lagu dilay saddex ka mid ah horjeegeyaasha Al-shabaab, kuwaas oo uu magacyadooda ku sheegay Salmaan Dheere oo u qaabbilsanaa howlgallada xeebaha, Macallin Saalaxey iyo Macallin Xaashi, kuwaas oo uu sheegay in dhammaantood ay ahaayeen bartimaameed lala socoday.

Al-caddaala ayaa sheegay in sidoo kale maleeshiyada Al-shabaab laga burburuiyay keyd, gaadiid dagal iyo dhufeysyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post