1077 Views

Mareykanka oo sheegtay in uu duqeyn ku dilay Hoggaamiyaha Daacish

Mareykanka oo sheegtay in uu duqeyn ku dilay Hoggaamiyaha Daacish
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-27–2019 –Mareykanka ayaa qaaday howlgal lagu bartilmaameedsanaayey  Hogaamiyaha  Daacish Abu Bakr al-Baghdadi ,sida uu ka dhawaajiyay sarkaal Mareykan ah, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

 

Ssarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka oo warbixin kooban ka bixiyay natiijada howlgalka ayaa sheegay in al-Baghdadi lagu dilay duqeyn .

 

 

 

Sarkaalkaasi ayaa u sheegay warbaahinta in hogaamiyaha kooxda Daacish lagu bartilmaameedsaday  gobolka Idlib ee dalka Siiriya.

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu maanta bayaan ka soo Aqalka Cad,kaas oo uu kaga hadlaayo dilka hoggaamiyahaasi,sida uu xaqiijiyay Afhayeen lagu magacaabo Hogan Gidley .

 

Al-Baghdadi wuxuu hogaaminaayey kooxdaasi shanti sano ee ugu dambeysay,isagoo ka mid noqday dhowr taliye oo ka howlgalay Ciraaq iyo Suuriya,waxaana Mareykanku ay horay u shaaciyeen in lagu dilay duqeyn.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment