2994 Views

Xildhibaan Jeesow “ Waa suurtogal in Maanta Kulanka Golaha lagu daro mooshin la xiriira muddo kordhin”

Xildhibaan Jeesow “ Waa suurtogal in Maanta Kulanka Golaha lagu daro mooshin la xiriira muddo kordhin”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27da Maarso, 2021–Waxaa lagu wadaa in Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho uu ka furmo kulanka Golaha Shacabka, kaas oo Ajanhisiisa uu yahay ka hadlida cudurka COVID-19, balse uu hareeyay guux la xiriira muddo kordhin.

Inta ugu badan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulanka xaadiray, waxaana la filayaa in uu gordhow uu furo guddoomiyaha  Golaha Shacabka Maxamed  Mursal Sheekh cabdiraxmaan.

Xildhiban Daahir Amin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka oo warbaahinta kula hadlay Xarunta Golaha ayaa sheegay in Ajandaha Maanta ee Kulanka uusan kujirin wax la yiraahdo muddo kordhin, hayeeshee ay suurtogal tahay in lagu soo daro.

“ Maanta wax laga hadlaayo oo muddo kororsi ah majirto, balse hadii 10 Xildhibaan ay mooshin ku keenaan waa la arkayaa, waana suurtogal baarlamaan ayaan nahay inay xildhibaano keenan mooshin muddo kororsi ah ayuu yiri” Xildhbaan Jeesow.

Kulanka Maanta ee Golaha Shacbaka ayaa Maanta ah mid xasaasi ah, waxaana isha ku haaya Shacabka Soomaaliyeed iyo dadka falanqeeya arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post