5751 Views

Shirkada Hormuud oo qeybweyn ka qaadatay gurmadka abaaraha

Shirkada Hormuud oo qeybweyn ka qaadatay gurmadka abaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 14, 2017 – Shirkada isgaarsiinta Hormud  qeybteeda gargaarka Bulshada ee Hormud Foundation oo ah heyad u taagan bixinta samafalka dadka ay la soo deristo Musiibooyinka ayaa si deg deg ah uga soo Jawaabtay Dhibaatooyinka Heysta dad ay abaaruu saameeyeen ee ku nool duleydyada magaalada Muqdisho.

Waxayna arintaani daba socotaa xiliyo shirkada Hormud Foundation horey u bixisay gargaar bini aadanimo oo ay gaarsiisay ilaa dadka ku dhaqan 10 gobol oo dalka ka mid ah.

Iyada oo taasi jirto ayaa gudoomiyaha shirkada Hormud qeybteeda Foundationka Mr. Cabdulaahi Osmaan Nuur wuxuu saxaafada u soo bandhigay gaadiid ay ku raran yihiin qeybaha kala duwan ee rashinka sida bariis .saliida cuntada iyo timir qalalan oo shirkadu ku wareejisay gudiga abaaraha iyo wasdarada arimaha gudaha ee Xakuumada Soomaaliya.

Hormudabaaraha-8

Shi jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Gudoomiyaha Hay’ada Hormud Foundation Cabduqaahi Cusman Nuur, Gudoomiyha gudiga abaaraha heer qaran Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Gudoomiyaha Heyada Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmad Salaad iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Yaxye Cali Hareeri  iyo Masuuliyiin kale ayey warbaahinta uga warbixiyeen xaalada guud ee dalka iyo Goobaha Gurmadka la geeyey.

Gudoomiya Hormud Foundation ayaa faafaahiyey ujeedka Shirka iyo agabaka ay bixisay wuxuuna inta ku darey in ay shirkadu ka howlgasho 11 gobol, toban ka mid ahna ay gargar kala duwan ka qeybisay.

War qoraal ah oo ay soo saartay hormud foundation ayaa sidaan u qoraa.

Hormudabaaraha-9

DEEQ AAN UGU TALO GALANAY DADKA KUSOO BARAKAY GOBOLKA BANAADIR.

14/03/2017.

Hormuud Telecom Foundation, waxaa aay maanta ku wareejineeysaa gudiga qaran ee abaaraha deeq raashin oo ka kooban sidaan hoos ku qoran.

  1. 6 Container oo Timir ah, taasoo ka kooban 90,000 Kg ( Sagaashan kun oo kiilo ).
  2. 600 kiish oo bariis ah ( Lix boqol kiish oo bariis ah)
  3. 2,700 Litr oo saliid ah ( two thousand seven hundred liter oo saliid ah).

Deeqdan waxaan ugu talo galnay inaan ku caawino dadka kasoo baakacay gobolada aay abaarta saameeysey kuna soo barakacay Gobolka Banaadir, insha allah ma noqon doonta markii ugu danbeeysey oo aan  kaalmeyno dadkaan aay abaarta saameeysey.

Sida aad la wada socotaan HTF, waxaa aay gargaar gaarsiisey, 10 Gobol oo aanu ku jirin gobolkaan Banaadir, waxaan aay gargaarka ka qeybisey 42 xarumod oo aay shirkadu ku leedahay 10 gobolk ee aan soo sheegey , waxaana gaarsiiney, cunto, biyo iyo dawooyin .

Hormudabaaraha-6

Culeyska aay keentey abaartaan waa culeys runtii u baahan inuu helo gurmad ka ballaaran midka aan wadno, ilaa iyo hadana gurmadka gaaraya dadkaan aay abaaraha saameeyen waa mid aad iyo aad gaabis u ah, waxaana ugu baaqeeynaa dhammaan ummadda Soomaliyeed ineey u istaagaan sidii aay gargaar ugu fidin lahaayeen dadka walaalahood ah ee aay abaarta saameeysey.

Runtii waa arin looga argagaxo xaalada aay ku sugan yihiin in badan oo ka mid ah bulshadeena Soomaaliyeed kuwaasoo ku nool duruuf aad iyo aad u adag, mana ahan arin la fiirsan karo duruuftaa aay ku sugan yihiin, ee fadlan ummadda Soomaliyeed waa inaan dedaalka sii balaarinaa si aan gacan uga geeysano inaan caawino dadkeena.

Hormudabaaraha-2

Waxaad moodaa in marar badan lagu soo cel celinayo aduunyada gar gaar hanal soo gaarto, hase ahaatee gargaarka ugu fiican cida bixin kartaa waa allah, ee aan barino, anagana aan bixino wax alle wixii aan awoodi karno intii aay doonaan hala ekaadaanee.

Allah waxaan ka baryayaa inuu naga dul qaado culeyska iyo xanuunka aay la timid abaarta nooguna bedelo raxmad iyo naxariistiisa.

Hormudabaaraha-7

Hormuud Telecom Foundation
Drought Assesment and Allocated Budget
S/no Center Tirada qoys/Baahi
1 Afgooye
2 Afmadow
3 BAY
4 Badhaadhe
5 Buula burte
6 Balcad
7 Buulo marer
8 B/weyne
9 B/Xawo
10 Barawe
11 Buaale
12 Buurhakabe
13 Ceelbarde
14 Cadado
15 Cadale
16 Ceelbuur
17 Ceel dher
18 Ceelgaras
19 Ceelwaaq
20 Cabudwaq
21 Dhoobley
22 Diinsor
23 Dhusomareb
24 Gaalkacyo
25 Guricel
26 Garbaharye
27 Jilib
28 Jalalaqsi
29 Jamame
30 Jowhar
31 Kismaho
32 Luuq
33 Marka
34 Masogway
35 Qoryeley
36 Qansaxdhere
37 Saakow
38 Salagle
39 Waajid
40 Wanlaweyn
41 Xarardhere
42 Xudur

.Hormudabaaraha-6 Hormudabaaraha-10 Hormudabaaraha-3 Hormudabaaraha-4 Hormudabaaraha-5
.
.
__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment