1425 Views

Puntland oo maanta deegaanadeeda ka bilowday qaadista Imtixaanka fasalka 12-aad & 8-aad

Puntland oo maanta deegaanadeeda ka bilowday qaadista Imtixaanka fasalka 12-aad & 8-aad
____________________________________________________________________________

Sabti: May 28, 2022

Waxaa maanta si rasmi deegaanada Puntland ka bilowday qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad iyo 12-aad, xili ay u fadhiisteen Arday badan oo iskugu jirta wiilal iyo gabdho ah.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa Macalimiin iyo khubaro kale oo u tababaran ilaalinta imtixaanka u diyaarisay, waxaana ay xiligaan ku sugan yihiin dhammaan goobaha waxbarasho ee loo asteeyey in ardeydu imtixaanka ku galaan.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ardayda Puntland gaar ahaan Fasalada 8-aad iyo 12-aad u diyaarisay  imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, iyadoo ammaanka goobaha imtixaanka saaka lagu galayo ay si weyn u adkeeyeen Ciidanka Booliiska maamulkaas.

Gobolada kale ee dalka ayaa la filayaa si lamid in imtixaanka fasalka 8-aad iyo 12-aad in  loo fadhiisto 13 bisha soo socoto iyo 18 bisha 6aad, sida qurshuhu yahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post