912 Views

Kulamo lagu xalinaayo dagaal dhacay oo ka bilaawdey Galgaduud

Kulamo lagu xalinaayo dagaal dhacay oo ka bilaawdey Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado , Feberaayo 24, 2020 —Kulamadaan ayaa waxaa ay Maanta ka bilaawdeen deegaanka Galinsoor oo hoostaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud,waxaana ay yihiin kuwo lagu xalinaayo dagaal dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed.

 

Dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo beeleed ayaa waxaa uu ka dhacay deegaano u dhaxeeya Cadaado & Gaalkacyo,waxaana ay geysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,iyada oo maleeshiyaadka daagalamay ay isku heysteen dhul daaqsin ku yaalla deegaannadaas.

 

 

 

Kulanka Maanta ayaa waxa goobjoog ka ah Saraakiil ka Ciidamada Qalabka sida,sida Milatariga, Booliiska, Nabad Sugida, Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullahi Cabdiraxmaan (Tootoole), gudoomiyaha Galinsoor iyo Xubno kale.

 

Sidoo kale waxaa kulanka ku sugan Odayaasha Dhaqanka labada beelood oo ka kala yimid Magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo si xal looga gaaro colaada soo laab laabatay ee u dhaxeysa labada Beelood.

 

Kulankaan ayaa waxaa uu daba socdaa kulamo dhowr ah oo horey loo yeeshay,kuwaas oo sababay in dagaalka uu joogsado sidoo kalena la kala qaado Maleeshiyaadkii dagaalamay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment