1023 Views

SAWIRO:-Dowladaha Soomaaliya & Turkiga oo kala saxiixday Heshiis Cusub

SAWIRO:-Dowladaha Soomaaliya & Turkiga oo kala saxiixday Heshiis Cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 09, 2019 —Heshiiskaas ayaa waxaa Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay ku kala saxiixdeen Magalada Ankara ee Wadankaasi Turkiga,waxana dowladda Soomaaliya u saxiixay safirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Ceydiid halka dowladda Turkiga uu u saxiixay mas’uul ka tirsan Wasaarada Maaliyadda iyo lacagta Turkiga.

 

Heshiiska ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo turkiga ayaa ku saabsan dhanka dhaqaalaha ,waxaana dowladda Turkiga ay sanadka kasta lacago ku kabeysaa Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalke Beyle ayaa bogaadiyay Heshiiskaas,isaga oo dowladda Turkiga uga mahad celiyay sida ay mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya.

 

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Shacabka iyo Dowladda Turkiga oo mar-waliba Taageero la garab taagan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.Dowladda Turkigu waxay balan qaaday taageerada Miisaaniyadeed ee Dalkeena oo joogta ah ayuu yiri Wasiir Beyle.

 

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya,waxaana la xasuustaa gurmadkii weynaa oo ay Shacabka Soomaaliyeed u fidisay Sanadkii 2011-kii xilligaas oo dalka ay ka jirtay abaar ballaaran.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment