1197 Views

SAWIRO:-Qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho oo xirmay

SAWIRO:-Qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho oo xirmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 08, -2019 —Roobka Deyrta ee saacadihii la soo dhaafay ka da’ay Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sababay in wadooyin badan oo ku yaalla Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya inay xirmaan,isla markaana aan la mari karin.

 

Wadooyinka xirmay ee uu roobka saameeyey ayaa waxaa kamid ah, Wadada Siisii ee aada dhinaca Isgoyska  Sanca, Wadada Maanabooliyo ee aada dhinaca isgoyska Afarta Darjiino, Wadada Boondheere ee  isku xirta Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay Wadada Ceel-Qaloow ee degmada Wadajir  iyo kuwa kale.

 

Wadooyinkaas aan soo sheegnay ayaa waxaa xilligaan Buux dhaafiyey Biyo farabadan oo uu dhigay roobkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ay Magaalada Muqdisho,waxaana wadooyinkaas intooda badan ka go’ay inay gaadiidka maraan.

 

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa ay sheegeen inay dhibaato ku qabaan xirnaanshaha wadooyinkaas,isla markaana ay waayeen Gawaari ay raacaan taasina ay ku qasabtay inay lugeen waqti badana ay ku qaadato gaarista halkii ay doonayeen.

 

Dadka muqdisho ayaa badankood waxaa ay yihiin dad bixiya Canshuurta,waxaana Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir ay ku cel celiyaan inay dhisayaan dhamaan wadooyinka ku yaalla muqdisho,hayeeshee taasi aysan hirgelin

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment