2106 Views

Indha-qarshe: “Danab waa ciidanka kaliya ee qabiilka ka maran”

Indha-qarshe: “Danab waa ciidanka kaliya ee qabiilka ka maran”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 11, 2018 —Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) ayaa sheegay in ciidamada Danab ay yihiin ciidanka kaliya ee dowladda Soomaaliya ay leedahay ee aan ku dhineyn qabiilka.

Daahir ayaa booqasho ku tagay saldhigga Ciidanka Cirka ee Balli-Doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo uu kula kulmay Ciidanka Danab ee xeradaasi deggan.

Waxaa uu Daahir sheegay in dhamaan Gobollada kale ee dalka Ciidamada jooga ay yihiin kuwo degaanka ah,marka laga reebo ciidamada Danab ee kala deggan Balli-doogle.

Taliye Daahir Aadan ayaa sheegay in dowladda ay waddo qorshe ciidamada dowladda ee jooga gobollada kala duwan la isugu dhafayo,islamarkaana loo socdo heer Askarta loo kala wareejin karo magaalooyinka kala duwan ee dalka sida Burco,Kismaayo, Baydhaba iyo meelo kale.

Waxaa uu ku amaanay howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee sida gaarka ah loo fuliyo oo ay ka qeybqaataan.

Waxaa uu Taliye Indhaqarshe sheegay in dagaal saf ballaaran ah oo ka dhan ah Al-shaabab uu dhawaan ka billaabanayo dalka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment