1548 Views

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 24, 2019 —Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalada Muqdisho Eng Cabdiraxman Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa Maanta Xarunta Dowladda Hoos ee Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan.

 

Kulan ayaa labada mas’uul waxaa uu ku dhexmaray Xarunta Dowladda Hoose, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin y dardargelinta wadashaqeynta QM iyo Maamulka G/Banaadir,sida uu sheegay Duqa Muqdisho.

 

 

 

“Waxaan maanta xafiiska ku soo dhoweeyey Ergeyga Gaarka ah ee XG ee Qaramada Midoobay James Swan oo dhowaan xilkaas loo soo mahacaabay oo aan ka wada hadalnay dardargelinta wadashaqeynta QM iyo Maamulka G/Banaadir Isla markaana ka siinay warbixin horumarka Caasimada Muqdisho ayuu yiri Eng Yariisow.

 

Waiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa dhawaan tegay Magaalada Madaxda shanta Maamul Goboleed ee dalka ka jira,isaga oo la kulmay Madaxda Dowlad Goboleedyada,isla markaana uu kala hadlay Arrimo dhowr ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment