633 Views

Wiil reer Mareykan ah oo ku dhashay 21 toddobaad iyo hal maalin, isagoo miisaankiisu uu aad u hooseeyo

Wiil reer Mareykan ah oo ku dhashay 21 toddobaad iyo hal maalin, isagoo miisaankiisu uu aad u hooseeyo
____________________________________________________________________________

Axad: November 21, 2021

Wiil reer Mareykan ah oo ku dhashay 21 toddobaad iyo hal maalin, isagoo miisaankiisu uu aad u hooseeyo, ayaa la xaqiijiyay inuu yahay canuggii ugu dhicisanaa ee adduunka ee noolaada.

Curtis Means, waxa uu sanadkii hore ku dhashay magaalada Birmingham ee gobolka Alabama, isagoo miisaankiisu yahay 420g.

Diiwaanka Guinness World Records ayaa xaqiijiyay in Curtis, oo hadda jira 16 bilood uu dhigay rikoor cusub.

Caadi ahaan, qofka waxa uu uurka ku jiraa 40 usbuuc, taasoo ka dhigaysa Curtis inuu ku dhawaad 19 usbuuc dhicis yahay.

Hooyadiis, Michelle Butler, way foolatay waxayna 4-tii bishii July ee 2020 u carartay Isbitaal, iyadoo maalinka madax bannaanida habenkeeda oo dhan foolaneysay.

Waxay dhashay mataano, Curtis iyo C’Asya, xilliga qadada ee maalintii xigtay.

C’Asya ayaa dhimatay maalin ka dib. Isbitaalka ayaa sheegay in uu caadiyan siiyo waalidiinta daryeelka naxariista leh ee xaaladahan oo kale, taas oo u oggolaanaysa in ay hayaan dhallaankooda yaryar waqti yar oo ay ka tageen.

Laakiin, isaga oo heysta wax ka yar boqolkiiba hal oo ah fursad uu ku badbaadi karo ayaa Curtis waxa uu ku ku badbaaday qeybta daryeelka degdegga ah.

Saddex bilood kadib, ayaa laga saaray qalabka hawada, waxaana laga saaray bishii Abriil kadib 275 maalmood oo uu isbitaalka ku jiray.

Dhakhaatiirtii daweyneysay, ayaa ku qasbanaaday inay ka caawiyaan inuu barto sida loo neefsado oo afkiisa u isticmaalo inuu wax ku cuno.

Mrs Butler, oo ku nool miyiga Eutaw ee gobolka Alabama, ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “In aan awoodo inaan ugu dambeyntii guriga geeyo Curtis oo aan carruurtayda waaweyn kedis uga dhigo walaalkood ka yar waa daqiiqad aan waligey xasuusan doono.”

Curtisoo leh saddex walaalo ah oo ka weyn, ayaa weli u baahan ogsijiin dheeri ah iyo tubo lagu quudiyo, balse dhakhaatiirtu waxay sheegeen inuu caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Dr Brian Sims, oo ka tirsan Jaamacadda Alabama ee Birmingham, kuna taqasusay dhalmada oo kormeer ku tagay qeybta dhalmada, ayaa u sheegay Guinness World Records: “Waxaan howshan samaynayay ku dhawaad 20 sano, laakiin weligay ma arag ilmo yar oo u xoog badan sidii uu canuga ahaa oo kale.

Waxay ahayd wax gaar ah oo ku saabsan Curtis.”

Curtis ayaa 24 saacadood qaatay rikoor horey u yaallay, kaas oo uu haystay ilmo ku dhashay Wisconsin oo lagu magacaabo Richard Hutchinson, kaas oo dhashay bil kahor, isagoona ku dhashay21 toddobaad iyo labo maalmood.

Richard ka hor, rikoorku wuxuu ahaa mid aan jabin muddo 34 sano ah, isagoo horey uu u haystay ilmo yar oo ku dhashay magaalada Ottawa ee dalka Canada, kaas oo ku dhashay 21 toddobaad iyo shan maalmood.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post