1440 Views

DEG DEG: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

DEG DEG: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay  Muqdisho
____________________________________________________________________________

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN!

Muqdisho | QOL | November 26, 2020 – Wararkii ugu horreeyey ee aan ka helnay khasaaraha qaraxii is-miidaaminta ee caawa ka dhacay maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, ayada oo 15 kale ay ku dhaawacmeen.

Xogta khasaraaha ayaa waxaa Warqaad u xaqiijiyey goobjoogeyaal iyo ilo-wareedyo amni. Adeegga gurmadka deg degga ah ee Amin Ambulance ayaa dhankooda xaqiijiyey geeriday 7 qof iyo dhaawaca 10.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale ogaaday in qof ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha uu ka mid yahay dadka ku dhintay qaraxa.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey qof soo xirtay jaakad waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, kaasi oo gudaha u galay maqaaxida kadib is-qarxiyey.

Gelato Divino ma lahan waardiye hubeysan, waxaana albaabka jooga qof haysta gacan dhawaaqa oo dadka mariya. Qofka is-qarxiyey ayaa markii uu yimid goobta oo la isku dayey in gacankaas la mariyo, wuxuu xoog ku helay goobta kadibna durba is-qarxiyey.

Gelato Divino ayaa markii weerarka uu dhacayey waxaa ka jira mashquul xooggan, ayada oo sidan oo kale habeenada Jimcaha ay tahay meel aad u mashquul badan.

Waxaa goobta ku badan shaqaalaha dowladda iyo dadka ka ag dhow. Waxaa xitaaa mararka qaar taga xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post