936 Views

Rooble oo bilaabay qorshaha uu ku wajahayo Shirka uu isugu yeeray Madaxda DG 20-ka May 2021.

Rooble oo bilaabay qorshaha uu ku wajahayo Shirka uu isugu yeeray Madaxda DG 20-ka May 2021.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL| May 12 202–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Talaadadii dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa bilaabay wadatashiyo la xiriira qorshaha shirka uu isugu yeeray Madaxda Dowlad-Goboleedyada 20-ka May 2021.

Rooble ayaa ka baaraandegaya qorshe ka duwan is aragyadii hore ee shuruudaha & is qab-qabsiga hareeyay si dalka ay uga dhacdo doorashooyinka Baarlamaanka & Madaxtooyada oo waqti sharciyeedkoodu ku idlaaday December 2020 iyo Febaraayo 2021.

Ilo xog ogaal ah ayaa Mustaqbal u sheegay in Maxamed Xuseen Rooble uu damacsan yahay in hab cusub oo yareyn kara caqabadaha siyaasadeed ee ka dhalan kara wadahadalka in uu ka fakirayo si uusan waqti badan u socon wadahadalka salka u ah heshiiskii 17-kii September 2020.

Culeyska ugu badan waxa uu kasoo wajahayaa Amniga, hab maamulka Doorashooyinka & in Madaxtooyada Soomaaliya ka madax-bannaanaato qorshihiisa cusub maadaama ay sabab u ahayd isku daygii dhicisoobay ee muddo dheereysiga lagu laalay heshiiska dib loogu laabtay 10-Cishe kahor.

Madaxda Dowlad-Goboleedyada ayaa ayiday tallaabada Xukuumadda Xil-gaarsiinta ay dusha ugu riday amniga iyo doorashooyinka, waxayse soo joogeen Puntland & Jubbaland in la dhammeystiro hannaanka wareejinta oo weli qabyo ah sida ay hadalka u dhigeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post