1575 Views

Labo Kamid Ah Ilaalada Gaas Oo La Dilay

Labo Kamid Ah Ilaalada Gaas Oo La Dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 24, 2018 –Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in labo ka mid ah Ciidanka gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland lagu dilay magaaladaas.

Koox Hubeysan ayaa Askarta oo ku sugnaa Madaxtooyada Boosaaso horteeda toogtay askarta,waxaana hallkaas ku dhintay mid ka mid ah halka askariga kale oo dhaawac ahaan loo qaaday uu ku dhintay Isbitaalka.

Xilliga toogashada dhaceysay Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas aya aku sugnaa aqalka dowladda hoose oo u dhow Suuqa Caanaha ee Boosaaso.

Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta,waxaana suuqa iyo agagaarka Madaxtooyada baaritaan ka billaabay Ciidanka amaanka Puntland oo dilka kaddib goobta tagay.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment