822 Views

Qoysas diidayin Alshabaab ay askareeyaan caruurtooda oo ka cararaya Degmada bardaale ee Gobolka Bay

Qoysas diidayin Alshabaab ay  askareeyaan   caruurtooda oo ka cararaya Degmada bardaale ee Gobolka Bay
____________________________________________________________________________

 

 

April 11-4-2021

Guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq ayaa qeylo dhaan ka muujiyay in dadka deegaankaasi ay alshabaab barakicin xoogan ku hayaan sida uu sheegay.

Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab ay tobanaan qoys ka soo barakiciyeen deegaanada hoos taga Magaalada Bardaale.

Wararka ayaa sheegaya in arintaan ay timid kadib markii qoysaskaas ay  diideen inay askareeyaan caruurtooda.

Sidoo kale Hey’adaha samafalka ayuu guddoomiye Maxamed Isaaq ka codsaday inay dadkaan u soo gurmadaan, maadaama ay fooda nagu soo heydo bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay yihiin dad danyar ah oo guryahoodii laga soo barakiciyey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post