1959 Views

Dowlada Fadaraalka oo diyaarad gaar ah u diraysa maxabiista ku xiran Hindiya

Dowlada Fadaraalka oo diyaarad gaar ah u diraysa maxabiista ku xiran Hindiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  | January 19  2018 – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr ayaa kulanka Golaha Wasiirada horgeeyay warbixin ku saabsan halka ay marayaan soo deynta Maxaabiista ku xiran dalka Hindiya.

Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in bisha Febraayo Maxaabiis Soomaali ah laga sii deyn doono Xabsiyada dalka Hindiya ayna soo gaari doonaa Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale kulanka Golaha Wasiirada ka hor sheegay in Dowladda ay qorsheyneyso in diyaarad gaar ah ay u direyso Maxaabiistaasi ku xiran dalka Hindiya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dhaqan gelinta heshiiska ay wada galeen Dowladdaha Soomaaliya iyo Hindiya.

Waxa uu sheegay in Golaha Wasiirada ay aad kaga doodeen sida ugu dhaqsiyaha badan in lagu soo celiyo Maxaabiista ku xiran Hindiya.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment