1293 Views

Senator Muuse Suudi oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle

Senator Muuse Suudi oo  si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle
____________________________________________________________________________


Talaado: August 31, 2021

Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, halkaasi oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare.

Muuse Suudi ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Jowhar, waxaana ka qeyb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Maamulka degmada, qeybaha bulshada iyo barbaarta gaashaaman.

Waxaa sidoo kale isugu soo baxay soo dhoweynta boqolaal shacab ah oo aad u qiireysan, taasi oo muujineysa heerka ay gaarsiisan tahay taageerada ay Muuse Suudi u hayaan shacabka beeshiisa.

Sidoo kale Kursiga uu ku fadhiyo Senatar Muuse Suudi oo hadda loo tartami doono ayaa ah kan ugu culus siddeeda kursi ee la qorsheynayo in dhawaan lagu tartamo, ayada oo la filayo in Guudlaawe uu dhowaan soo saaro liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post