840 Views

Biden oo ka dalbadey facebook ka hortagga wararka caafimaadka ee been abuurka ah

Biden oo ka dalbadey facebook ka hortagga wararka caafimaadka ee been abuurka ah
____________________________________________________________________________

Isniin: July 19 2021

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa sheegay in wararka been abuurka ee la isla dhex maro baraha bulshada, ee ku saabsan cudurka Covid19, ay tahay mid halis ah, oo keeni karta geeri.

Biden ayaa ka jawaabayey su’aal uu weeydiiyey wariye, taasoo aheyd inshirkadaha baraha bulshada, gaar ahaan Facebook loo isticmaalayo faafinta wararka been abuurka ah ee kusaabsan tallaalka iyo cudurka safka marka ah ee Covid19.

Aqalka Cad ayaa kordhiyay cadaadiska uu saarayo shirkadaha leh goobaha baraha bulshada ee la isku weydaarsato akhbaarta, iney ka hortagaan wararka been abuurka ah.

Maamulka shirkadda Facebook, ayaa sheegay iney qaadayaan tallaabooyin ad adag, si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee dadweynaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post