831 Views

Dowlada Tanzania oo xirtay haweeney caawisa dumarka ka baxa diinta Islaamka

Dowlada Tanzania oo xirtay haweeney caawisa dumarka ka baxa diinta Islaamka
____________________________________________________________________________

January 6, 2021 

Dowladda Tanzania ayaa haweeney u dhalatay dalka Australia una ololeysa xuquuqda haweenka, oo lagu magacaabo Zara Kay, su’aalo ka weydiineysa dhalashadeeda, sida uu qareenkeeda u xaqiijiyay BBC-da.

Benedict Ishabakaki ayaa BBC-da u sheegay in haweeneyda oo ku dhalatay Tanzania ay saakay u tagtay booliiska sida lagu amray, balse markii dambe loo gudbiyay waaxda socdaalka.

Dowladda Tanzania ayaa ku eedeyneysa Ms Kay inaysan soo celin baasaboorkeeda Tanzania kaddib markii ay heshay dhalshada Australia.

Inuu qofku isku heysto labo dhalasho ayaa sharci darro ka ah dalka Tanzania.

Qareenkeeda ayaa sheegay inaysan soo celin baasaboorkeeda sababtana ay tahay inuu ka lumay.

“Ma isticmaaleyso baasaboorkeeda Tanzania. Waxay Tanzania gashay kahor intaan la xirin iyadoo adeegsaneysa baasaboorkeeda Australia,” ayuu yiri qareenkeeda.

Haweeneydan ayaa 28-kii December barteeda Twitter-ka ku soo qortay inay u socoto saldhigga booliiska kaddib markii “qof uu ku eedeeyay inay diinta wax ka sheegtay”.

Waa aasaasaha Haweenka Xijaaban ee aan Diin Heysan – oo ah koox caawisa haweenka dhibaatooyinka kala kulmay inay ka baxeen diinta Islaamka.

Waxaa maalintii xigtay lagu soo daayay damaanad, Isbahaysiga Caalamiga ah ee Muslimiintii Hore ayaana soos aaray warbixin ay ku sheegayaan inay haweeneydaas wajahayso saddex eedyemo oo ay ku jirto in qoraal ay ku soo qortay Twitter-ka ay ku cambaareysay sida uu madaxweynaha Tanzania u maarreeyay xanuunka coronavirus iyo inay isticmaaleysay nambar aan magaceeda ku diwaan gashaneyn.

Si kastaba, madaxa booliiska Tanzania Simon Sirro ma uusan carrabaabin eedeymahaas markii uu la hadlayay warbaahinta, wuxuu keliya sheegay in su’aalo laga weydiinayo dhalashadeeda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post