954 Views

Wasiir Sadiiq Warfaaf oo kulamo la leh Madaxda dalka Qatar

Wasiir Sadiiq Warfaaf oo kulamo la leh Madaxda dalka Qatar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 25-2019 —Ra’iisul wasaaraha Dalka Qatar, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa Xafiiskiisa Doxa ku qaabbilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalkaasi.

 

Ra’iisul wasaare Abdullah bin Nasser iyo Wasiir Sadiiq Warfaa ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka iyo xoojinta iskaashiga Labada Dal, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha Qatar boggaadiyay dedaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto dib u dhiska Dalka iyo horumarinta Bulshada.

 

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii ay Dowladda Qatar u ballaarin lahayd kootada Soomaaliya ee shaqaalaha ay dibedda ka keensato Dowladda Qatar, si fursado loogu helo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Waxaana sidoo kale laga hadlay dib u howlgalinta Machadka horumarinaya iyo maareynta Soomaaliya ee SIDAM, dib u anba qaadidda heshiis ay labada Dal galeen Sanadkii 1983-dii oo la xiriiray iskaashi shaqo wadaag iyo horumarinta Bulshada.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa dhankiisa sheegay in ay Dowladda Qatar ka go’antay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa muddada uu ku suganyahay Dalka Qatar wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda sare ee Dowladda Qatar.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment