1428 Views

Dab ka holcaya kaymaha Dalalka Giriigga, Turkiga iyo Lubnaan

Dab ka holcaya kaymaha Dalalka Giriigga, Turkiga iyo Lubnaan
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

Dab ka holcaya kaymaha oo ay uga sii dareen heer kulka oo sareeya iyo dabaylo xooh lihi ayaa ka hulaaqaya qaybo ka mid ah dalalka Giriigga, Turkiga iyo Lubnaan, waxaana qasab noqotay in kumanaan qof la daad gureeyo.

Dad Turki ah iyo dalxiiseyaal badan ayaa laga gurayaa xeebaha koonfureed ee dalkaas. Lix qof ayaa ku dhintay dabkan oo bilaabmay Arbacadii oo ah dhacdadii ugu xumayd ee soo marta Turkiga muddo toban sano ah.

Lubnaan na qof ayaa ku dhintay dabkaas oo weli holcaya. Ku dhawaad lixdan goobood oo ku yaal kaymaha galbeed ee Giriigga ayaa dabku ka hurayaa afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyey. Shan tuulo oo u dhaw magaalada Patras ayaa dadkii laga guray.

Khubarada ayaa sidoo kale ka sii dardaar werinaya korodhka iyo xaddiga dabka kaymaha ka kaca sababtuna tahay isbedelka cimilada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post