1305 Views

Maxay ahayd sababta Cali Cabdi Wardheere [Cali yare] loogu xiray Talyaaniga.?

Maxay ahayd sababta Cali  Cabdi Wardheere [Cali yare] loogu xiray Talyaaniga.?
____________________________________________________________________________

Isniin, 21 June, [Qaranimo Online] Maxkamad ku taal dalka Talyaaniga ayaa la filayaa in ay mar kale dib u eegis ku sameeyso dacwad ka dhan ahayd Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere [Cali yare] oo sannadkii 2016-kii dhowr toddobaad ku xirnaa xabsi ku yaal Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Xassan Cali Raage oo ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Roma ayaa sheegay in sannadkii 2016-kii Cali yare u tegay Talyaaniga isaga oo doonayay inuu dacwad u maro qof ka mid ah ehelkiisa si uu Yurub ku yimaado, waxaanna isaga oo faahfaahinayay sida ay wax u dhaceen uu yiri:

“Cali yare, 2016-dii ayaa Roma lagu xiray, xarigiisu wuxuu yimid markuu isku dayay inuu qiyaamo hay’adda socdaalka adduunka [IOM], wuxuu ula tegay dokumenti Talyaani faalso ah, wuxuu rabay inuu dhiig u maro qof ehelkiisa ah, oo uu ku maro magac aan jirin, markii lagu ogaaday saraakiishii IOM-ta waxay ku yiraahdeen; haddii aan boolis kuugu yeeri lahayn xarunteena ma ahan meel boolis soo dhexgeli karo ee iska bax dokuminti faalso ah ayaad wadataaye, qoladii ayuu isku waalay Cali yare, askar ayaa loogu yeeray, waa la qabtay, xabsi ayaa lagu tuuray, isaga oo lagu eedeeyey sheegasho dokumintis uusan lahayn, muddo markii uu xirnaa ayaa waxaa arrintiisa ku soo baxay Garyaqaan Douglas Ducaale oo ah garyaqaan Soomaali-Talyaani ah, wuxuuna ku soo daayay damiin, arrintaasi waa arrin waadix ah oo qof kasta oo Talyaaniga joogay uu ogaa, waxaa caawiyay una qabtay garyaqaanka oo uu xilligaasi marti u ahaa Luul Maxamed Shiikh Cusmaan, waa joogtaa waa la weydiin karaa Luul”

Xassan Cali Raage, waxaa kale oo uu sheegay in saxaafadu u furan tahay in ay kiiskan soo baaraan, kaddib na ay wareystaan dadkii Cali yare ka caawiyay in xabsiga laga soo daayo.

W/Q. C/llaahi Xuseen Jaamac, Roma, Italia
E-mail:hussienjamac21@gmail.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post