915 Views

Guddiga ka hortagga COVID-19 oo Shir xasaasi ah yeeshay

Guddiga ka hortagga COVID-19 oo Shir xasaasi ah yeeshay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 26 2020–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee kahor tagga COVID19,kaas oo inta badan looga hadlo Arrimaha ka hortaga Coronavirus.

 

Kulanka Guddiga ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta barnaamijyada wacyi-gelinta ee bulshada lagu fahamsiinayo qatarta, sida looga gaashaaman Karoonaha & yarynta faafitaankiisa.

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kula dardaarmay Xubnaha Guddiga inay xoojiyaan howlaha ka hortaga COVID19, isla markaana tallaaba kasta oo looga hortagayo ay fuliyaan.

 

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa ay shaacisay 62 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysa 390 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus ee Soomaaliya

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment