867 Views

App-ka codadka tooska lagu wadaago ee Clubhouse waxaa ka abuurmay sheekooyin la xiriira barnaamijkaas oo aad u badan

App-ka codadka tooska lagu wadaago ee Clubhouse waxaa ka abuurmay sheekooyin la xiriira barnaamijkaas oo aad u badan
____________________________________________________________________________

April 15-4-2021

App-ka codadka tooska lagu wadaago ee Clubhouse waxaa ka abuurmay sheekooyin la xiriira barnaamijkaas oo aad u badan.

Elon Musk, Oprah Winfrey, Kanye West, Demi Lovato iyo Mark Zuckerberg, waxay ka mid yihiin dadka caanka ah ee aadka ula dhacsan isticmaalka adegga App-kan uu bixiyo.

Waxaa barnaamijka Clubhouse si fudud looga helayaa arrima badan oo laga billaabo Bitcoin ilaa iyo xiriirka dadka dhex mara iyo muusikada R&B.

Haddaba App-ka hal sana jirsaday in $4 Balyan oo doolar lagu qiimeeyo ayaa noqday wax lala yaabo.

Warbixin ka soo baxday Bloomberg waxay sheegeysaa App-kan, oo aasaaskiisa uu ka soo jeedo San Francisco, uu raadinayo dhaqaale cusub oo heerkale ah.

Balse bishii Jannaayo sanduuqa maalgashiga ee Andreessen Horowitz wuxuu shirkadda ka iibsaday saami u dhigma qiimaha lacagta ee Clubhouse uu shaqeeyay afartii bilood ee ugu horeysay sannadkan.

Sare u kaca dhaqaale ee shirkaddan ayaa loo maleeynayaa inay uga wacan tahay in marki ay soo baxday warbixin ku saabsan in Twitter ay ka wada hadleen Clubhouse in qiimo sare ku iibsato, inkasta oo ay diidday arrintaa inay xaqiijiso, marki la weydiiyey.

Qiimaha intaa dhan maxaa u yeelay Clubhouse?

Shirkadda cilmi baarista sameysa ee Annie, waxay sheegtay in Clubhouse ilaa iyo dabayaaqadii bishii March ayy isticmaalayeen ku dhawaad 13.4 malyan oo qof, waxayna intaa ku dartay in shan meelood meel ka mid ah dadkaasina ay ku soo biireen afarti toddobaad ee ugu dambeysay oo keli ah.

Marka la soo koobo, in App-kan dhaqaalahiisa uu sare u kaco waxaa sabab u ah ‘casuumaadda keli’ ee qof kasta u baahan yahay si uu barnaamijkan u isticmaalo, iyada oo uu App-kan uu ka faa’ideystay daldaloolla suuqa ka jiray.

“Wuxuu kulansaday arrimo badan sida codka, tabinta tooska ah iyo bulshadaba,” ayuu yiri Joseph Evans oo ka socda hay’adda Enders oo falanqeysa arrimaha teknolojiyadda.

“Wuxuu adeegsanayaa waxyaabo aan wakhti xaadirkan si caadi ah loo sameyn karin sababo la xiriira cudurka safmarka ee Korona awgii, sida in ay dadka wadahadallo yeeshaan ama koox ahaan wadahadallo u yeesheen.”

Hadda, App-ka Clubhouse lacag ma sameynin. Balse taasi muhiimad badan malaha.

Barta Instagram oo keli ah ayaa buuxiysay waxyaabihii looga baahnaa maadaamaa ay doonayeen in ay iibsadaan Facebook iyo Twitter.

Balse hadda uma badna in ay taasi dhacdo.

“Dhowr sano ka hor, Facebook waxay miiska soo saartay dalab ay ku dooneysay Clubhouse,” ayuu yiri Mr Evans.

“Laakiin ma aha mid suuqa baraha bulshada kale ku jirtay sababta oo ah Facebook waa inay tartan diyaar u noqotaa taa oo ah waddada keli ah ee u furan.”

Facebook dhankeeda waxay billaawday barnaamij cusub oo ay ugu magac dartay Hotline, barnaamijkaasi oo dadka isticmaala u oggolaanaya inay cod ahaan ama qoraal ahaan ku wada sheekeystaan.

Xifaaltanka kale ee jira muxuu yahay?

Twitter wuxuu durbadiba billaabay adeeg cusub oo cod ah oo App-kiisa gudahiisa ka shaqeynaya.

Waxaa lagu wadaa in marka hore aasaasayaasha la xusho, balse qorshaha wuxuu yahay in adeeggaas cid walba loo oggolaado dabayaaqada bishan.

App-ka lagu wada sheekeysto ee Telegram wuxuu sannadki hore billaabay adeegga codka, waxayna dib u habeyn ku sameeyeen bishii March si ay ugu ekeysiiyaan hal-abuurka aadka loola dhacay Clubhouse.

Shirkadaha waaweyn ee Slack iyo LinkedIn waxay ka mid yihiin shirkadaha ka shaqeynaya sidi ay iyaguna fikirkaas u meel marin lahaayeen.

Dhowrka barnaamij ee aan soo sheegnay, waxay leeyihiin macamiil ka badan Clubhouse maadaamaa ay kaga wanaagsan yihiin habka isticmaalka telefoonnada gacanta ee Android iyo Koombiyuutarrada.

Maxay yihiin caqabadaha uu Clubhouse la kulmayo?

 

Clubhouse maadaama ay ku wada hadlaan dhinacyo iska soo horjeeda, durbadiba waxaa soo baxay hadal hayn la xiriirta arrimo ku saabsan in dumarka ay kufsiga ku been abuurtaan; cunsuriyadda oo ay ka hadlaan dadka doonaya in ay muujiyaan fikradahooda xagjirka ah taasina ay sababta in dhaawacdo ay gudbiyaan dadka arrimahan u ololeynayey.

Siyaasiyiinta Mareykanka waxay ku hanjabayaan in ay meesha ka saarayaan shuruucda lagu ilaalinayo baraha bulshada, sida Xeerka 230, ka dib markii ay ku eedeeyaan eex iyo u oggolaanshaha waxyaabaha dhibaatada leh in ay sii baahiyaan.

Khatarta kale waxay tahay in laga yaabo in Clubhouse ay sii haysan karin macaamiisha hadda uu helay sababo la xiriira isticmaalka oo yara adag.

“Clubhouse waxay fududeysay in dadku ay ka hadlaan mowduuc kasta oo ay doonayaan, balse dhab ahaan isla mowduucii ama doodii aad aasaastay ayaa mararka qaar kugu adkaan karta in aay isticmaasho,” ayey tiri Sharon O-Dea oo ah ka tirsan shirkad dhinaca teknolojiyadda la taliso ee fadhigeedu yahay Amsterdam.

Sidee Clubhouse ku noqon kartaa mid faa’ido hesha?

 

Qaababka horay loo garanayay ee baraha bulshada lacagta looga helo waa xayasiinta.

Balse waxaa taasi adkeyneysa barnaamijyada codadka oo keli ah isticmaala sida lacag looga sameyn karo.

Patreon, oo adeeggeeda billow uu yahay, ayaa durbadibba qaabkan ganacsi ka sameeysay, wareeggi ugu dambeeyey ee maalgashiga shirkaddaasina waxaa lagu qiimeeyey $4 balyan oo doolar.

Sidoo kale Clubhouse waxay hirgelisay barnaamij macamiisheeda u suuragelinaya in lacagaha ay isugu diraan, balse lacagta faa’idada adeegaasi laga sameeya 100% waxay u xarooneysaa aasasaha oo qofka isticmaalaya faa’idada qayb kama helayo.

BBC

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post