252 Views

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo daah furay lacag dhan 25 Milyan oo loogu talagalay Taakulaynta Abaaraha

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo daah furay lacag dhan 25 Milyan oo loogu talagalay Taakulaynta Abaaraha
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 29, 2022

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta daah-furay lacag dhan 25 Milyan oo Doollar oo loogu talagalay Taakulaynta Abaaraha, taas oo qayb ka ah Mashruuca Soo kabashada dhibaatoyinka Soomaaliya (SCRP). Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka ee lagu beegsanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool dhulka miyiga ah ee Soomaaliya ayaa waxaa maamuli doona dowladda Soomaaliya.

Mashruucan ayaa ujeedadiisu tahay soo kabashada iyo soo celinta habnololeedyada iyo kaabayaasha abaaraha iyo meelaha ay fatahaaduhu saameeyeen taasoo gacan ka geysan doonta dhisidda adkeysiga ee masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Abaaraha ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay mashruuca SCRP, waxaanu yidhi, “Mashruucan waxa uu ku soo beegmay wakhti fiican oo ay dadkeenii, gaar ahaan kuwa reer miyiga ah ay la daalaa dhacayaan xaalad adag iyo roob-doon oo afar xilli oo xidhiidh ah.

Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya “Iyadoo beryahan dambe diiradda dowladdu ay saarneyd la tacaalidda cudurka COVID-19 iyo fatahaadaha xilliyeed, dowladdu waxay sii waddaa in ay mudnaanta siiso wax ka qabashada dadka dhibaateysan iyadoo la kaashaneysa hay’adaha horumarinta”.

Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha “Xaaladda abaareed ee jirta iyo hubanti la’aanta cuntada ayaa lama huraan ah in la soo dadajiyo sanduuqa SCRP si loo dardargeliyo dedaallada dawladda iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha adag ee dalka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan bah-wadaagta la ah inay kordhiyaan dadaalkooda ku aaddan bixinta gargaarka naf-badbaadinta ah si looga hortago macluusha dalka ku soo fool leh”.

Soomaaliya waxaa ka jira mid ka mid ah abaarihii ugu darnaa ee ugu yaraan afartan sano gudahood. Ilaa 7.1  malyuun qof ayay soo wajahday gaajo, biyo la’aan iyo daaq la’aan ayaa sidoo kale dilay malaayiin xoolo ah, maciishada oo baaba’day, qoysaskuna ay caydhoobeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post