486 Views

Nin u dhashay dalka Koonfur Afrika, oo si layaab leh u soo gudbiyey jaceylka uu u qabo gabadha isku calman yihiin.

Nin u dhashay dalka Koonfur Afrika, oo  si layaab leh u soo gudbiyey jaceylka uu u qabo gabadha isku calman yihiin.
____________________________________________________________________________

Isniin:AUGUST 29, 2022

Nin u dhashay dalka Koonfur Afrika, ayaa si layaab leh u soo gudbiyey jaceylka uu u qabo gabadha isku calman yihiin.

Dadka isticmaala Internetka, ayuu la wadaagay masaafe dheer oo orod ah, isagoo u arkay taasi, sida kaliya ee dhabta ah, ee uu ku gudbin karayo hamuunta iyo jaceylka aan xadka laheyn ee uu u qabo gacalisadiisa.

Ninkan oo 57 jir ah, ayaa magaciisa lagu sheegay Joseph Kagiso Ndlovu.

Wuxuu orday 90km oo maratoon ah, si uu ula tashado haweenay lagu magacaabo Prudence.

Waxaa la sawiray isagoo sita boor uu ku codsanayo haweeneyda in uu guursado, xilli uu ku soo dhawaaday goobtii gabagabada tartanka Marathon-ka Axadii.

“Prudence ma is guursannaa?, waa farriinta ku qorneyd boorka uu watay Joseph. Prudence, waa haweeneyda ay saaxiibada yihiin Joseph”.

Warbaahinta maxaliga ah iyo dadka isticmaala internetka, ayaa maalmahan oo idil ka sheekeynayay masaafada dheer, uu ninkani ku khasbanaaday, si uu usoo jiito jacaylkiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post