696 Views

Taliyaha ciidamada khaaska ah ee ilaalada kacaanka Iiraan oo u Hanjaby Maraykanka..

Taliyaha ciidamada khaaska ah ee ilaalada kacaanka Iiraan oo u Hanjaby Maraykanka..
____________________________________________________________________________

Sabti : January 2  2021

Taliyaha ciidamada khaaska ah ee ilaalada kacaanka Iiraan, Ismaaciil Qaani, ayaa sheegay in “dilka loo geystay taliyihii hore ee ciidankaas, Janaraal Qaasim Suleymaani, uusan Iiraan ka hor istaagi doonin inay sii waddo iska caabbinta”.

Isagoo khudbad ka jeedinaya xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dilkii Suleymaani ayuu farriin u diray xukuumadda Washington.

“Qof ayey suuragal tahay inuu kasoo dhex baxo gurigiina oo uu ka fal celiyo dambigiinna.” Ayuu yidhi Qaani.

Ismaaciil Qaani ayaa xaqiijiyay in dowladda Iiraan ay wali diyaar u tahay inay u aarguddo Janaraal Suleymaani, oo horaantii sanadkii lasoo dhaafay ay Mareykanka ku dileen gudaha dalka Ciraaq.

Wuxuu intaas raaciyay in raadkii Janaraal Qaasim Suleymaani uu wali ka muuqdo dalalka Falastiin iyo Lubnaan, taasoo uu ula jeedo in “howlo wax ku ool ah uu ka qabtay arrimaha la xiriira waddamadaas”.

Khudbaddiisa ayuu Qaasni ku sheegay in Suleymaani uu howlo muhiim ah kasoo qabtay wax uu ugu yeeray “dadaallada xoreynta ee ka socday waddamada Suuriya iyo Ciraaq”.

Wakaaladda wararka Iiraan ee lagu magacaabo Tanim ayaa sidoo kale shaacisay in Ismaaciil Qaani uu “Mareykanka ku eedeeyay in ay muddo 30 sano ah raadinayeen sidii ay ku dili lahaayeen Suleymaani, falka ay ku khaarijiyeenna uu albaabbada u furay in wiilashada reer Iiraan ay xor u yihiin u arrgudistiisa”.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post