864 Views

Gargaar la gaarsiiyay qoysas ka soo barakacay dagaalladii ka dhacay Deegaanka Garbo Ciise

Gargaar la gaarsiiyay qoysas ka soo barakacay dagaalladii ka dhacay Deegaanka Garbo Ciise
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

Waxaa gargaar deg deg ah la gaarsiiyay qoysas kasoo barakacay dagaalladii dhawaan Soomaalida iyo Canfarta ku dhexmaray magaalada Garba Ciise halkaas dad badan ay ku dhinteen, sida ay ku warrantay warbaahinta Dowlad Deegaanka.

Dadkan soo barakacay oo hadda ku sugan dugsi hoose oo dhexe oo ku yaalla degmada Ma’ayso ee gobolka Sitti ayaa la gaarsiiyay gurmad isugu jiray raashiin, maacuun, bustayaal iyo alaabo kale.

Mas’uuliyiin ka socotay Dowlad Deegaanka Soomaalida oo gargaarka geeyay goobta ayaa sheegay in dadkan ay gaarayaan 1,100 oo kasoo barakacay dagaallada Soomaalida iyo Canfarta.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post