390 Views

Gabar afduub ku qabsatay Banki ku yaalla Lubnaan oo hadal-heyn dhalisay

Gabar afduub ku qabsatay Banki ku yaalla Lubnaan oo hadal-heyn dhalisay
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 14, 2022

Haweeney ayaa afduub ku qabsatay shaqaalaha banki ku yaalla magaalada Beirut ee dalka Lubnaan iyadoo dalbaneysa in ay u oggolaadaan in ay la baxdo lacag laga xayiray oo keyd u ahayd si ay walaasheed uga bixiso qarash ay ku iibsato dawooyin.

Gabadhan ayaa lagu warramay in ay bankiga ka tagtay markii la siiyey lacag dhan 13 kun oo Doollar. Ma cadda in la xiray gabadhaas iyo in kale.

Arrintan ay gabadhu ku qabsatay Bankiga ayaa sooctay muddo saacad ah.

Mudadii xaaladdu sooctay ayey gabadhu si toos ah muuqaalka ay usii deyneysay iyadoo dalbaneysa in la siiyo lacagta .

Waxaa la arkayey haweeneyda oo leh ”anigu halkan uma imaan in aan qof waxyeelleeyo laakiin waxaan u imid In aan lacag qaato.”

Si la mid ah arrintan ayaa nin waxaa uu qabsaday banki ku yaalla Aley isagoo dalbanayay in la siiyo lacag keyd u ahayd oo bankiga u taallay.

Labadii dhacdo ee ugu dambeysay ayaa dhacay muddo toddobaadyo ah gudahood, xilli dadka Lubnaan ay aad uga careysan yihiin xannibaadda la saaray, taas oo loo sababeeyey dhibaatooyinka dhaqaale ee jira.

La bixidda lacagaha adag ayaa aad u adag iyadpp la xadiday lagana xadiday dadka intiisa badan sanadkii 2019kii , markaas oo qiimaha lacagta Lubnaan ee Pound-ka uu sabbeynayey.

Dalka Lubnaan ayaa hataan ku jira niyad jabkii ugu dheeraa uguna xanuunka badnaa dunida, iyadoo in ka badan 80% dadka ay ku nool yihiin saboolnimo, ayna la daalaa-dhacayaan sidii ay cunto iyo daawo ku heli lahaayeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post