4314 Views

Xigmadu waxay ku jirtaa Qofka waalan!

____________________________________________________________________________

April 8/20017

XIGMADU WAXAY KU JIRTAA QOFKA WAALAN!

Aqristow waa qiso dhab ah oo dhexmartay aniga iyo nin waalan, waa goor habeen ah waa abaarahii 8 habeen nimo, waxaan watay gaari, waxaana marayey wado ka mid ah wadooyinka ugu mashqulsan Magaalada Muqdisho, wadadu mashqul malahayn parking banan oo waa buuxan, waxaan sameyey waxa looyaqaan DABAL PARKIN “double parking” madaama aysan leheyn parkin meesha aan  istaagay, waxaa ii fur naa daaqada dhica basenjerka, waxaa daaqada soo istagay nin gacanta kuwata baakat fidsan oo aan filayo in ay tahay darintii uu ku seexan lahaa habeenkaas, wuxuu i waydiiyey su’ashan “ Adiga waxaan ku waydiiyey ma magaaladaad ku cusub tahay, mase darawal nimadaa kugu cusub?, waxaan ku iri darawal nimada ayaa igu cusub, anoo la kaftamaya, wuxuuna igu yiri “ma anigaan garan”, waa yehee ma ogtahay in gadaal lagaaga dhici karo, sida qaldan ee aad u taagantahay darteed?, waxaan ku iri waa runtaa laakiin mar dhow waan dhaqaaqayaa.

Wuxuu igu yiri “hadaba waa yehee $2 dollar ii dhiib”, waxaan ku iri mahayo laba dolar, wuxuu igu yiri “$2 dollar mahaysid, Darawal nimada waad ku cusubtahay, si qaldana waad u taagan tahay, hadaba orodoo kaseexo magaalada hamashquuline”!!!,  anigoo aad u QOSLAYA ayuu ninkii  iga dhaqaaqay, waan u yeray waxaana ku iri “kawaran hadii aan casho ku siiyo?, wuxuu igu yiri “kabafiican”, waxaa noo dhawaa maqaayad lagu sameeyo cuntada Fast Food-ka, waxaan lahadlay nimankii maqaayada, waxaana ku iri Casho siiya ninkan.

Runtii waxaa aad ii Cajab geliyey xigmada uu ku hadlay ninkaas iyo sida xaqiiqda ah ee ninkaas u gartay in aan Qaldanahay, waxaa hubaal ah dad badan oo dhimirkooda qaba in aysan garan Karin inta Ninkaas waalan uu gartay, waana sababta ay Somaalidu u tiraahdo “xigmadu waxay ku jirtaa Qofka waalan”

Waxaan leeyahay inta Xanunsan ama waalan Allaha Caafiyo, waayo Caafimaadka waa shay qaali ah. shuruucda darawa lnimadana aan dhowrno.

Qaranimo-online

Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment