1476 Views

Guddiga Joogtada Golaha Wakiilada Somaliland oo sharcidaro ku tilmaamay xarigii Xildhibaan Dhakool

Guddiga Joogtada Golaha Wakiilada Somaliland oo sharcidaro ku tilmaamay xarigii Xildhibaan Dhakool
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 12, 2019 –Kulan ay Maanta Magalada Hargeysa ku yeesheen Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland waxaa ay ku diideen in xasanaanada laga qaado Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Golaha Wakiilada Sopomaaliland.

 

Guddiga ayaa Xeer ilaalinta Soomaaliland waxa ay u soo gudbisay in xasaanada lagala laabto Xildhibaanka,hayeeshee Guddiga ayaa taasi ka biya diiday,iyaga oo dalbaday in Xildhibaanka xurriyadiisa la siiyo.

 

Guddiga ayaa sidoo kale waxaa ay amaaneyn go’aankii uu qaatay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee uu ku diiday in uu qaado dacwada Xildhibaan Dhakool,isla markaana uu ku sheegay in xildhibaan xasaanad leh uusan dacwadiisa qaadi karin.

 

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa haatan ku xiran Xabsi ku yaalla Magalada Hargeysa,waxaana lagu heystaa hadal uu siiyey Warbaahinta oo uu ku sheegay in Maalinta 18 May aysan aheyn Maalin Qaran basle ay tahay Maalin u gaar ah Ururka SNM.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment