249 Views

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga Gobolka Banaadir Cali Yare oo sheegay in Ciidankii Eleteriya tababartay lagu Wareejinayo Imaaraadka Carabta

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga Gobolka Banaadir    Cali Yare oo sheegay in Ciidankii Eleteriya tababartay lagu Wareejinayo Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 5 2023

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir   Cali yare Cali ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay Ciidankii lagu tababaray dalka Eleteriya ku wareejisay  Imaaraadka Carabta.

“Maanta maalin madoow iyo mugdi gudcur ah ayay kaga dhigantahay qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Imaaraadka carabta ku wareejisay ciidankii lagu soo tabobaray Eritrea, heshiiska oo Abu Dhabi lagu saxiixay wuxuu qorayaa in dowladda Imaaraatka markale lagu wareejiyo kana howlgasho xerada ciidanka Jeneral Gordan iyaga oo maamuli doona habsami-usocodka xerada iyo ciidanka ku jira, sidoo kalana labada dowladood iska kaashadaan habkii ciidanka yimid loo howlgelin lahaa.

Waxaa la buriyay wareegtadii ay dowladdii hore dalka uga saartay quburada ciidan ee Imaaraatka dib ayay dalka uga howlgeli doonaan muddo 14 maalmood (labo asbuuc) gudahood ah.

Sida heshiiska lagu qoray dalka Imaaraatka ayaa dowladda ka caawin doona dhaqaalihii ciidanka lagu howlgelin lahaa, agabkooda iyo dib-ucasriyeeynta xerada.

Ganacsato dowladdu wadato oo ay ku jiraan xildhibaano iyo xigtada mid kamid ah odayaasha dalka ugu sarreeyay ayaa fulin doona saddex qandaraas oo heshiiska ku jirta kuwaas oo kala ah; Raashinka iyo shidaalka ciidanka, soo daabuliata logistic-kada ay ku howlgeli doonaan saraakiisha imaaraadka ka socda iyo dhismaha iyo wax lagu sheegay dib-ucasriyeeynta xerada.

Waxaa nasiib darro ah in dowladdii ugu weyneeyd ee xogta ciidanka laga qarinayay muddada dheer maanta sahlan loogu gacan galiyay iyada oo la eegayo dano dhaqaale iyo qandaraasyo kooban.”

Waxaa Qoray Cali yare Cali.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post