2160 Views

Maydka Kenyaan ka tirsanaa Al-Shabaab oo laga helay xero ku taalla degmadda Jilib

Maydka Kenyaan ka tirsanaa Al-Shabaab oo laga helay xero ku taalla degmadda Jilib
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 24, 2018 – Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray in Maydka Dagaalame  Kenyaan ah laga helay meel ku dhow dhismo ay Dagaalamayaasha Ajaaniibta ka deggan yihiin Xero ku taalla magaalladda Jilib.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay  Cabdi Kimani, ayuu Wargeysku qoray inuu is-dilay, balse ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya inuu is-dilay.    Ninkaasi oo 3 isbuuc oo keliya ku sugnaa Xeradaasi.

Dhinaca kale, aBoqolaal Dagaalyahano Kenyan ah ayaa ka tirsan Xarakadda Alshabaab, kuwaasi oo badankooda ka hawl-gala Goballadda Jubbooyinka iyo gudaha dalkaasi.

Inta badan Dagaalamayaasha Kenyaanka ayaa la tilmaamay inay ka tirsan yihiin Ciiddanka Jeysh Ayman oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment