666 Views

Puntland oo arrimaha doorashooyinka kala hadashay wadamo dhowr ah

Puntland oo arrimaha doorashooyinka kala hadashay wadamo dhowr ah
____________________________________________________________________________


Sabti: December 11, 2021

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland iyo 8 kamid ah dalalka taageera Dilmuquraadiyadda Puntland, oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa ka wada-hadlay doorashooyinka Golaha deegaanka degmooyinka Puntland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen safiirada iyo madaxda safaaradaha dalalka Mareykanka, Ingariiska, Sweden, Switzerland, Norway, Denmark, Germany iyo Midowga Yurub, ayaa sidoo kale looga hadlay kaallinta Beesha Caalamka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga TPEC Guuleed Saalax Barre oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

“Maanta waxaan kula kulanay magaalada Nairobi safiirada iyo madax ka tirsan 8 wadan oo ka mid ah wadamada taageera dimuqraadiyadda Puntland, madaxdaas waxaa ka mid ahaa safiirada wadamada Sweden, Switzerland, UK, kusimaha safiirka USA iyo madax ka tirsan safaaradaha Norway, Denmark, Germany iyo Midowga Yurub.”

“Waxaan iska waraysanay dhamaystirka doorashada golayaasha deegaanka ee dhiman iyo kaalinta beesha caalamka. Kulankani wuxuu gunaanad u ahaa kulan usocday TPEC iyo bahwadaagteeda muddo 6 cisho ah.”

Puntland ayaa 25 bishii October ku qabatay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn doorashada hordhaca Golaha deegaanka degmooyinka Puntland, taas oo aheyd doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaanadeeda, tan iyo aasaaskeedii (1998), waxaana Guddiga TPEC uu sheegay inay dhowaan bilaabi doonaan diyaarinta doorashada degmooyinka haray oo gaaraya 47 degmo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post