732 Views

Iran oo weerar diyaarado drone ku qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin koonfurta Syria

____________________________________________________________________________

Sabti: October 30, 2021

Iran ayaa ka dambeysay weerar loo adeegsaday diyaarado drone ah oo toddobaadkii tegay lagu qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin koonfurta Syria, waxaa sidaas sheegay saraakiil Mareykan ah.

Mareykanka ayaa rumeysan in Iran ay ka shaqeysay oo ay dhiirigelisay weerarka balse aysan diyaaradaha kasoo duulin Iran. “Waxay ahaayeen diyaarado Drone oo Iran ay leedahay,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah. 

Saraakiisha Mareykanka ayaa rumeysan in weerarka ay ku lug lahaayeen illaa shan diyaarad oo drone ah oo laga soo buuxiyey walxo qarxa, oo lagu dhuftay saldhigga oo ku yaalla magaalada al-Tanf. 

Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in weerarka uusan dhalin wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda ayaa al-Tanf u jooga inay tababaraan ciidamada mucaaradka Syria ee dagaalka kula jira kooxda Daacish. Saldhigga ayaa sidoo kal eku yaalla waddo muhiim u ah ciidamo Iran ay taageerto oo isaga gudba Tehran illaa koonfurta Lubnaan. 

Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby ayaa diiday inuu faah-faahin ka bixiyo eedeynta ay saraakiisha Mareykanka u jeediyeen Iran. Hase yeeshee waxa uu qiray “in weerar ula kac ah oo laga soo shaqeeyey lala beegsaday” saldhigga Mareykanka.

 Iran ayaa ka dambeysay weerar loo adeegsaday diyaarado drone ah oo toddobaadkii tegay lagu qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin koonfurta Syria, waxaa sidaas sheegay saraakiil Mareykan ah.

Mareykanka ayaa rumeysan in Iran ay ka shaqeysay oo ay dhiirigelisay weerarka balse aysan diyaaradaha ka soo duulin Iran. “Waxay ahaayeen diyaarado Drone oo Iran ay leedahay,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah. 

Saraakiisha Mareykanka ayaa rumeysan in weerarka ay ku lug lahaayeen illaa shan diyaarad oo drone ah oo laga soo buuxiyey walxo qarxa, oo lagu dhuftay saldhigga oo ku yaalla magaalada al-Tanf. 

Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in weerarka uusan dhalin wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda ayaa al-Tanf u jooga inay tababaraan ciidamada mucaaradka Syria ee dagaalka kula jira kooxda Daacish. Saldhigga ayaa sidoo kal eku yaalla waddo muhiim u ah ciidamo Iran ay taageerto oo isaga gudba Tehran illaa koonfurta Lubnaan. 

Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby ayaa diiday inuu faah-faahin ka bixiyo eedeynta ay saraakiisha Mareykanka u jeediyeen Iran. Hase yeeshee waxa uu qiray “in weerar ula kac ah oo laga soo shaqeeyey lala beegsaday” saldhigga Mareykanka.

VOA

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post