561 Views

Dadaal lagu xalinayo xiisad ka taagan Gaalkacyo oo billowday

Dadaal lagu xalinayo xiisad ka taagan Gaalkacyo oo billowday
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 12, 2021=Wasiirka Wasaarada warfaafinta Galmudug, Masuuliyiinta maamulka gobalka mudug iyo kuwa  dagmada galkacyo ee galmudug oo kaashanaya saraakiisha laamaha amniga heer dowlad gobaleed iyo heer federaal ayaa wada maanta dadaalo la xariira sidii loo soo afjari lahaa xiisad ka dhalatay dhacay koofurta magaalada Galkacyo.

Mas’uuliyiintaan oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ayaa xoogga saaraya sidii loo xakameyn lahaa amniga gobalka mudug gaar ahaan magaalada Galkacyo iyagoo sidoo kalana ka codsanaya shacabka soomaaliyeed ee Gobalka kuwada nool in ay laamaha amniga iyo masuuliyiinta maamulka kala shaqeeyaan sugida amniga.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa ay sheegeen in wax kasta oo horumar ah lagu gaari karo amni iyo nabad galyo taas oo ay xuseen in tusaale ay ugu filan tahay isbadalka dhan walba ah ee la xariira horumarka  ee ka muuqnaya Gaalkacyo laga soo bilaabo 26_kii decembar sanadkii 2018.

Degaano katirsan Gobolka Mudug dhinaca Galmudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhacay dilal lala xiriirinayo aanooyin qabiil, iyada oo Madaxda Maamulka Galmudug ay ku guuldareystaan inay xal ka gaaraan.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post