2694 Views

Midoowga AMISOM oo ka hadashay weerarkii Naasa-hablood 2

Midoowga AMISOM oo ka hadashay weerarkii Naasa-hablood 2
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 30, 2017 – Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii Sabtidii ina dhaaftay ka dhacay Hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Mr. Madeira ayaa marka hore wuxuu tacsi u diray Ehelada dadkii lagu laayay weerarka, isaga oo sidoo kale kuwii dhaawacmay ugu duceeyay in ay helaan caafimaad deg deg ah.

Wuxuu sheegay in uu ka murugoonayo ficilada is daba jooga ah ee lagu beegsanayo shacabka, kadib Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa mid musiibo Qaran ah.

Ambassador Francisco ayaa afka ku balaariyay in Al-shabaab ay si ula kac ah u bartilmaameed-sanayaan oo ay nolosha u diideen dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo burburinta ilaha noloshooda.

Wuxuu yiri “Tallaabada ugu dambeysa ee fulaynimada ah waxay u tusineysaa ficilada xun xun ee Al-Shabaab oo ay ku baabi’inayaan ganacsiyada, ayna hortagaan yihiin horumarka ay sameeyeen dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya xasilinta dalkooda.”

Ugu dambeyntii Danjire Madeira ayaa ku celiyay in Midowga Afrika iyo AMISOM ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan dadka Soomaaliyeed iyo xukuumaddooda si Shabaab looga saaro degaanada iyo degmooyinka ay dalka kaga sugan yihiin.

Weerarkii Naasa-hablood 2 oo masuuliyadiisa ay sheegteen Shabaab ayaa waxaa ku dhimatay dad gaaraya 27 qof, halka ay ku dhaawacmen tiro intaas ka badan, weerarkaasi oo ay soo qaadeen Shan Dagaalame oo Shabaab ka tirsan ayaa waxaa gacanta lagu dhigay Saddex ka mid ah raggaasi, sida ay sheegtay Dowladda Federaalka.

 

 

.

Source:- AMISOM

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment