924 Views

Madaxii Falastiin u qaabilsanaa wahadallada Israa’iil oo u geeriyooday cudurka Covid-19

Madaxii Falastiin u qaabilsanaa wahadallada Israa’iil oo u geeriyooday cudurka Covid-19
____________________________________________________________________________

Saa’ib Cariiqaat oo kamid ahaa siyaasiyiinta ugu caan Falastiin ayaa u geeriyooday cudurka Covid-19, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiin.

Saa’ib oo 65 jir ahaa ayaa loola cararay cisbitaal ku yaalla magaalada Qudus halkaas oo uu ku geeriyooday xilli muddo saddex toddobaad ah uu ku xanuunsana gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Jericho ee Daanta Galbeed.

Cariiqaat wuxuu ahaa madaxii wadaxaajoodka Falasatiin uga qeybgalayay wadahadalladii dhexmarayay Israa’iil iyo Falastiin in ka badan 25 sano.

Wuxuu sidoo kale ahaa xoghayihii guud ee ururka xoreynta Falastiin, wuxuuna kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon garabka awoodda leh ee Fatax.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post