663 Views

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo saaray warqad lala yaabay oo beesha caalamka ku Qosleen.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo saaray warqad lala yaabay oo beesha caalamka ku Qosleen.
____________________________________________________________________________

Isniin December 27, 2021

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu shaqadii ka joojiyey Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku eedeeyay inuu soo galay raad musuqmaasuq iyo “ku takrifalid dhul dan guud ah” oo ay leeyiiin ciidamada Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri “Maadaama Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dan guud, uuna haatan socdo baaritaan looga gun gaarayo tuhunkaas, waxaa laga joojiyay shaqada iyo awoodaha uu leeyahay Wasiirka Koowaad tan iyo inta baaristaas laga soo gunaanadayo”

Qoraalkaasi ayaa lagu sheegay in xubnaha kale ee xukuumadda Rooble ka tirsan ay shaqada sii wadan karaan.

Go’aankan Farmaajo ayaa soo baxay kaddib markii isaga iyo Rooble ay marka kale isku khilaafeen hannaanka doorashada Soomaaliya. Farmaajo iyo Roobe ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafsaday isweydaarsaday qoraallo kulul. Farmaajo ayaa Rooble ku eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee dhinaca doorashada, balse Rooble ayaa isna qoraal jawaab ah ku sheegay in musharrax gaar ah aan laga yeeli doonin inuu doorashada ku takri fallo.

Kihilaafkan labada hoggaamiye ayaa la sheegay inuu carqalad galinayo geedi socodka doorashada dadban oo awal ahayd mid ahayd mid gaabis.

Dowladda Maraykanka iyo wadmada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay muranka cusub ee labada hoggaamiye.

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa qoraal ku sheegtay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda iyo maamul goboileedyadu ay si degdeg ah u dhameystiraan doorashooyinka, sidoo kalena walaacyada jira ay hab furan oo la aqbali karo wax uga qabtaan.

Maraykanka iyo dowladda Britain ayaa labaduba waxay taageereen shir wadatashi ah oo uu iclaamiyay Rooble oo la sheegay in arrinsanayo dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya.

Ma ahan marki ugu horreysay oo uu madaxweyne Farmajo soo saaro go’aan ka dhan ah RW Rooble. Bishii September, madaxweyne Farmaajo ayaa qoaal uu soo soo saaray ku sheegay inuu hakiyay awooddii Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post