885 Views

Kalluumeysato 14-Cishe raq iyo ruux lagu waayay oo Meydadkooda laga helay Biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen.

Kalluumeysato 14-Cishe raq iyo ruux lagu waayay oo Meydadkooda laga helay Biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen.
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Sida ay daabacday Shabakadda Madaxa banaan ee Almasdar Online, waxaa maanta oo isniin ah la helay meydadka Dad kalluumeysato ah oo loo maleynayo in ay yihiin Soomaali, lana waayay 27-kii bishii tagtay ee Janaayo.

 

Dadka Meydadkooda la helay oo gaarayay saddex ruux ayaa la waday baadi-goobkooda, waxaa ugu dambeyn laga helay Biyaha Caalamiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen, gaar ahaan meel udhaw dhanka Somaliland.

 

Da’da dadka Saddexda ruux waxaa lagu kala qiyaasay qof da’ dhexaad ah iyo carruur la socotay oo lagu kala qiyaasay 14-sano jir iyo 13-sano jir oo ka jillaabanayay Biyaha u dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya.

 

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabakadda Almasdar Online waxa uu sheegay in dadkaan xogtooda lagu helay, kadib markii Markab isticmaalayay biyahaas uu u dhawaaday doonta, kuna dhex arkay meydadka dadkaan.

 

Markabka ayaa sameeyay wargelin, waxaana sidaas loogu tagay Doonta oo laga soo qaaday dadka dhintay, waxaana socota baaris lagu sameeyay xogta kalluumeysatada meydadkooda la helay.

 

Cali Cabdullaahi Xasan oo ah qofka la hadlay Almasdar Online waxa shaaciyay in baadi-goobka dadkaan uu socday tan iyo 27-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan oo ku beegan waqtigii lagu waayay Raq iyo ruux.

 

Ma cadda in ay sababsadeen Kalluumeysatadaan Hirarka garaacaya Gaadiid badeedka iyo in ay waayeen wax ay cunnaan oo ay ka go’day sahaydii ay wateen, maadaama waqti dheer ay ku jireen badda.

 

Maamulka Magaalada Axwar ee Gobolka Abyan ee Dalka Yemen, ma faah-faahin dhalashada dadkaan in ay yihiin Soomaali ama Yemeniyiin oo labada kalluumeysato ay kalluunka ka jillaabtaan Biyaha Caalamiga ah ee u dhaxeeya labada Wadan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment