804 Views

Macalimuu “ Go’aanka Isgoyska Dabka lagu xiray wuxuu abuuray culeys dhaqaale dib u eegis deg deg ah ayaa lagu sameynayaa

Macalimuu “ Go’aanka Isgoyska Dabka  lagu xiray wuxuu abuuray culeys dhaqaale   dib u eegis deg deg ah ayaa lagu sameynayaa
____________________________________________________________________________

..

Axad February 14/2/2021

 Saacado kadib Markii dhagaxaan waawayn lagu xiray isgoyska Dabka oo muhiim u  ah isku socodka Muqdisho ayaa waxaa arintaas ka hadashay Xukuumada Somaliya.

Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Macalimu oo war qoraal soo saaray ayaa waxa uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey go’aankii lagu xiray isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

Macalimu ayaa sheegay in xirnaashaha isgoyskaas uu durbo keenay culeys dhanka dhaqdhaqaaqa shacabka ah, islamarkaana dib u eegis lagu sameyn doono.

 “Go’aanka Isgoyska Dabka qeyb ahaan lagu xiray wuxuu abuuray culeys dhanka dhaqdhaqaaqa Shacabka. Inshallah dib u eegis deg deg ah ayaa lagu sameynayaa iyada oo had iyo jeer ahmiyadda la siinayo daryeelka shacabka ,lana sii xoojinayo adkeynta amniga,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimu oo ah afhayeenka xukuumadda Rooble.

Sidoo kale Laamaha ammaanka ayaa xalay dhagxaan waa weyn ku gooyey isgoyskan oo muhiim ah isku socdka dadka iyo gaadiidka, sidoo kalena ay ku yaallaan goobo laga dukaameysto.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post