372 Views

lhaan Cumar oo jawaab aad lala yaabay siisay haweeney ku tilmaantay inay argagixisada taageerto

lhaan Cumar oo jawaab aad lala yaabay siisay haweeney ku tilmaantay inay argagixisada taageerto
____________________________________________________________________________

Talaado: July 19, 2022

Qaar ka mid ah warbaahinta reer Galbeedka ayaa maalmihii lasoo dhaafay tebinayay dagaal dhinaca warbaahinta ah oo u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo haweeney kale oo ka tirsan Golaha Wakiillada Mareyknaka, oo lagu magacaabo Lauren Boebert.

Arrintan ayaa billaabatay kaddib markii Boebert oo Congress-ka Mareykanka ku matasha gobolka Colorado ay weerar ku qaadday Ilhaan Cumar oo laga soo doortay gobolka Minnesota.

Haweeneydan oo laga waraysanayay buug ay dhawaan soo saartay ayaa ka hadashay mowduuca ku saabsan in la kala saaro Diinta iyo Dowladda, oo ka mid ah qodobbada dastuurka Mareykanka.

Lauren Boebert ayaa tiri: “Haddii ay dhab tahay in la kala saarayo diinta iyo maamulka dowladda, sida ay aaminsan yihiin, markaas maxay Ilhaan Cumar halkaas ka samaysaa iyadoo xiran xijaabkeeda, Maxay awood ugu yeelatay inay la gasho halkaas?”

Waxay Lauren hadalladan ku sheegtay barnaamij lagu wareystay oo ka baxay telefishinka “Real America’s Voice”.

Xildhibaannaddan ayaa dhawaan sidoo kale buuggeeda cusub ku sheegtay in Ilhaan ay “taageerto kooxaha argagixisada”.

Maxay ku jawaabtay Ilhaan Cumar?

Siyaasiyadda kasoo jeedda Soomaaliya ee qaxootinnimada ku tagtay Mareykanka ayaa arrintan uga fal celisay barteeda Twitter-ka.

Ilhaan oo lagu yaqaanno hadallo kulkulul ayaa markan jawaabteeda u dhigtay qaab soo jiitay warbaahinta caalamiga ah, sida wargayska The Independent ee kasoo baxa Ingiriiska.

Muuqaal lasoo jaray oo ku saabsan qaybta ay Lauren ku weerarayso Ilhaan iyo sababta loogu oggolaaday in ay xijaab la gasho Golaha Wakiillada.

Si sahlan, Ilhaan ayaa muuqaalkaas isla Twitter-ka uga fal celisay muuqaal u eg inuu majaajilo yahay oo laga arkayo nin haweeney labada dhaban ka saaray rooti. Waxaa muuqaalka ku dul qoran su’aal uu waydiinayo oo ah “Maxaa tahay?” oo iyaduna ay uga jawaabayo “Waxaan ahay nacas rooti dhexda uga jira”.

Ma jirin qoraal ama cod kale oo ay Ilhaan jawaab ahaan u bixisay, marka laga soo tago muuqaalkaas maadda ah oo loo yaqaanno “GIF”.

Horay waxaa Ilhaan looga bartay in ay qoraallo ama muuqaallo uga fal celiso eedeymaha iyada ka dhanka ah.

Waxay si aad ah ula soo dagaallantay siyaasiyiin uu ku jiro Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.

Sanadkii 2019-kii ayay noqotay haweeneydii ugu horraysay ee iyadoo xijaab xiran dhex fariisata Aqalka Koongareeska Mareykanka.

Sidoo kale waxay taariikhda ku gashay in ay noqotay mid ka mid ah labada gabdhood ee Muslimiinta ka ah guud ahaan xildhibaannada Golahaas, inkastoo haweeneyda kale aysan xijaab isticmaalin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post