792 Views

Khasaare ka dhashay rasaas lagu furay dad tahriibayaal ah oo ku jira xero ku taalla gudaha waddanka Liibiya.

Khasaare  ka dhashay rasaas lagu furay dad tahriibayaal ah oo ku jira xero ku taalla gudaha waddanka Liibiya.
____________________________________________________________________________

Sabti: October 9, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay rasaas lagu furay dad tahriibayaal ah oo ku jira xero ku taalla gudaha waddanka Liibiya.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in ay halkaas ku dhinteen ku dhawaad10 qof, waxaana ku dhaawacmay dad intaas ka badan.

, waxaana ka dhashay rasaastaasi khasaare kala duwan oo dhimasho & dhaawac leh.Muhaajiriinta la rasaaseyey ayaa kasoo jeeda dalal kala duwan, waxaana la sheegay inay isku dayeen inay ka baxsadaan xeradii lagu hayey, taas oo keentay inay rasaaseeyaan ciidamadii ilaalada ka hayey goobtaasi.

Sidoo kale Sarkaal ka tirsan QM oo ka hadlay dhadcdadaasi ayaa shaaciyey inay haatan wadaan baaritaano ku aadan dalalka ay kasoo jeedaan muhaajiriinta dhintay & kuwa dhaawaca ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post