2007 Views

Daawo: Axmed Madoobe oo shaaciyey saameynta uu ku reebay khilaafka Farmaajo

Daawo: Axmed Madoobe oo shaaciyey saameynta uu ku reebay khilaafka Farmaajo
____________________________________________________________________________

Isniin: October 18, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta daahfuray ‘kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga xukuumadiisa’ oo lagu dardar galinayo shaqooyinka wasaaradaha maamulkaas ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in daadejinta adeegyada iyo hey’adaha dowliga ah ee Jubbaland uu dib u dhac weyn ku keenay khilaafka maamulkaas kala dhaxeeya dowladda dhexe ee Farmaajo hoggaamiyo.

“Waxaan u baahanahay inaan helno dowlad ka shaqeysa la noolaashaha wadamada deriska nala ah iyo aduunka intiisa kaleba, oo aan ilaalino sumcadda dowladnimadeena,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda uu diyaar u yahay, una diyaarsan yihiin qorshayaal lagu daadejinayo adeegyada dowliga ah ee deegaanada Jubbaland.

https://999e224936852e26e764be2ed60cd177.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html “Waxaan diyaar u nahay inaan daadejino dowladnimada Jubaland, waxaan culeyska saareynaa Jubbaland oo sideedii hore ku soo noqota, ganacsiga aan furfurno, maalgashi aan keeno, oo aan dhisno Jubbaland caawi karta Soomaalida kale ee walaalaheeda ah,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wasaaradaha kala duwan ee xukuumadiisa ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ka dalbaday inay la yimaadaan qorshe ay ku xaqiijinayaan la imaashaha adeegyada ay dadku ka sugayaan.

Caasimadda.com

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post