1173 Views

Wabiga Shabeelle oo markale fatahaad ku sameeyay Deegaano hor leh

Wabiga Shabeelle oo markale fatahaad ku sameeyay Deegaano hor leh
____________________________________________________________________________

Isniin: August 16, 2021

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle gaar ahaan deegaanada hoos yimaada magaalasi ayaa wararka  waxay sheegayaan inuu halkaasi ku fatahey Wabiga Shabeelle.

Si gaar ah deegaaana fataahada Wabiga shabeelle uu geestay waxaa lagu  magacaaba  deegaanada kala ah Bayaxow, iyo Boodaale.

sidoo kale wuxuu webiga ku fatahey deegaano dhanka  ka xiga Koofur Bari  ee magaalada Jowhar Gobolka shabeellada dhaxe.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka Maamulka Hr-Shabeelle Xildhibaan Maxamded Cumar Ceeymooy  oo ku baaqay dadka degan Wabiga Jiinkiisa,ayaa sheegey  inay ka feejignaadaan fatahaada Wabiga, isaga oo hadalkiisa uu intaasi ku daray in maamulka Hir-Shabeelle uu ku dadaali doono in uu ka hortago fatahaada.

Fatahaada wabiga Shabelle ee deegaanada Boodaale iyo Bayaxow ayaa sababtay in ay ku baaba’aan dhul beereed ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan,

Wabiga Shabeelle ayaa hore fatahaad uga sameeyay deegaanka Baarey iyadoo markii dambe lagu guuleystey in la xiro buqda Baareey.

Office Nairobi Kenya      

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post