888 Views

Cali Geedi oo Madaxda Dowladda uga digay Muddo kororsi

Cali Geedi oo Madaxda Dowladda uga digay Muddo kororsi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2019 —Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed  ha ahaadaan Siyaasiyiin iyo Shacab intaba ay isweeydiinayaan waxaa ay noqoneyso nooca doorasho ee la filayo inay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay in Goobaha Waxbarashada,Xafiisyada, Goobaha kale ee Bulsahda isugu timaado intaba laga hadal haayo doorashada ka dhici doonta Soomaaliya markii Madaxda hadda talada heysa waqtigeeda uu dhamaado iyo waxa la filan karo.

 

Isaga oo ka qeyb galayay Shir lagu qabtay Garoowe ayuu soo hadal qaaday Warar ku saabsan in Madaxda hadda jirta qaarkood ay doonayaan inay sameeyaan mudo kororsi ayaa waxaa uu sheegay in Ummadda Somaaliyeed aysan u baahneyn muddo kororsi,isla markaana hadii ay isku dayaan Madaxda Dowladda aan laga aqbaleyn.

 

Dad u badan Siyaasiyiin ayaa xilligaan waxaa ay aaminsan yihiin in Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay doonayaan in markii uu waqtigooda dhamaado sameynayaan mudo kororsi,hayeeshee Madaxweynaha Soomaaliya uu goob fagaaro ah ka sheegay inaysan jirin wax muddo kororsi ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment